Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Weerar Afka ah ku qaaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf

Madaxweyne Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo markii ugu horeysay kadib fashilkii shirkii Garowe ka hadlay arrimihii ay isku qabteen maamul Goboleedyada, isagoo xaaladda Galmudug ku tilmaamay mid la mida qof xanuunsan oo daawadiina diiday.

Isagoo caawa ka hadlayay Munaasabadda 15-ka May oo ka dhacday Xarunta Gaadiidka Booliska ayuu sheegay in xaalada Galmudug dhowr jeer laga dooday, balse markii la soo bandhigay in la qabto dib u heshiisiin iyo in dadka reer Galmudug ay wadahadlaan uu markii hore aqbalay Madaxweyne Xaaf, balse markii danbe uu ka hor yimid.

Wuxuu Madaxweyne Farmaajo xaalada ka jirta Galmudug ku tilmaamay sida qof xanuunsan oo ay tahay inuu maro saddex marxaladood sida in marka hore Isbitaal la geeyo, la ogaado xaalkiisa, la baaro, kaddibna daawo la siiyo, balse daawadii uu diiday Madaxweyne Xaaf, sida uu hadalka u yiri.

Ad

“Arinta Galmudug, waa aragnay dhibka jira, waa dhageysanay, waa baarnay waxaa ogaanay in loo baahan yahay in la wadahadlo, dadka gobolka degan dib u heshiisiin in loo sameeyo, ka bacdi doorashada in la galo, madaxweynaha XAAF walaalkey ma aqbalin daawadii mana qaadan, qofka marka meel yimaado waa xanuunsanahay daawo la siiyo asiga la rabaa inuu kala doorto daawadii inuu diido, haddii la idin yiri Galmudug lama xalin waa la xaliyay, waqti kororsi intaas ka badan waa in go’aan ka gaaraan dadka reer Galmudug” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeysatay in dowladiisa ay hal maalin kororsan doonin sida lagu eedeeyay marar badan. haddii ay dhacdana ay noqon doonto ballan ka bax iyo xarig fur, wuxuuna intaasi ku daray inay ogoleyn maamul Goboleedyada in waqti kordhin loo sameeyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON