Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo xaalad Cusub kasoo wajahday Magacaabid la’aanta Ra’iisal wasaaraha & tallo..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wajahaya culeyskii ugu weynee ee uga yimid magacaabid la’aanta Ra’iisal wasaaraha oo muddo ka badan 40 casho laga sugayo madaxweynaha.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo oo faa’iidooyin ka helay dib u dhigista magacaabidda Ra’iisal wasaaraha (Akhriso Warkan) ayaa hadda lagula taliyey inuu degdeg u magacaabo Ra’iisal wasaaraha, kadib markii ay soo baxday xaalad aan la fileyn oo ka timid dhinacyo kala duwan.

Beesha Caalamka ayaa kusoo biirtay dhinacyada doonaya in degdeg loo magacaabo Ra’iisal wasaaraha cusub, waxaana hore u jiray cadaadisyo kale oo ka imaanayey beesha awood qeybsiga u leh xilkan iyo maamul Goboleedyada qaarkood.

La-taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo marka laga reebo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa si cad ugu sheegay Madaxweyne Farmaajo in dib u dhigista sii daba dheeraatay ee magacaabista Ra’iisal wasaaraha ay xaalado adag kusoo furtay Madaxweynaha, ayna sii xumeyneyso sumcadiisa, iyagoo ka dalbaday inuu toddobaadkan magacaabo Ra’iisal wasaare cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu magacaabidda Ra’iisal wasaaraha la sugayo heshiis laga gaaro Doorashada 2020/2021, laakiin waxaa arrinta uga sii daray markii madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay si kutalogal ah uga caga-jiideen furista wadahadalkii ay la yeelan lahaayeen Madaxqweyne si ay cadaadis u saaraan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON