Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa baaq kasoo saaray xaaaladda kalsooni siinta xukuumadda cusub ee Soomaaliya, kadib markii uu kasoo laabtay safarkiisii socdaalkiisii Kenya.
Wuxuu xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inaysan is hortaagin ansixinta Golaha Wasiirada cusub oo uu sheegay inay ka mid yihiin dad aqoon leh oo hore u soo shaqeeyay karti u leeyihiin howshooda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku taageeray Wasiirada cusub markii uu arkay inay yihiin dad wax badan ka badalikara xaaladda Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray inuu aamisan yahay in la ansixin doono xukuumadda cusub xiligan dalka ku jiro xaaladda adag oo aan loo baahneyn is hortaag in lagu smaeeyo.
DHAGEYSO
Xildhibaano gaaraya 105 ayaa Ra’iisal wasaare u jeediyay talo ah inuu dib ugu laabto xukuumadda uu soo dhisay oo ay sheegeen inay baal marsan tahay qoddobo dastuuri ah.
Goobjooge.com