Saturday, July 5, 2025

Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisal Wasaare Kheyre oo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho

Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib socdaallo dibadeed oo ay ku maqnaayeen.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa  booqasho ku tegey wadanka Boqortoyada Sacuudiga oo uu kula soo kulmay madaxdadalkaasi, halka Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre uu caawa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo qeybgalay shirkii Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Labada wafdi ayaa soo kala horeeyay iyadoo wafdiga Madaxweynaha oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada Yuusuf Garaad oo ahaa wasiirka kaliya ee safarkiisa ku wehliyay madaxweynaha.

Ra’isul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo uu noqday ra’iisal wasaare Kheyre mas’uulkii ugu sareeyay oo xilli habeenimo ah ka soo dega garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho muddo kabadan 27  sano.

Dhowr saacadood ayay dhacday maanta in mar kaliya ay dalka ka maqnaadaan madaxweynaha, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON