Madaxda Dowladda Soomaaliya si kala gaara hambalyo ugu diray madaxweynaha la doortay ee maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada aya lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna hambalyo u diray madaxweynaha la soo doortay ee Puntland Siciid C/llaahi Deni, isagoo .