Tuesday, September 21, 2021

Madaxweyne Farmaajo: “Si aan argagixisada uga adkaano waa in la qaado Cuna-qabataynta Hubka ee na saaran…”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, isagoo ku baaqay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya si ciidamada Somalia ay u helaan hub casri ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo a ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay ku hayaan nolasha muwaadiniinteenna, arrinkaas oo horseedaya xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika.

“Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.”

Ad

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay argagixisada uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan kusoo afjari karaan.

“Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.”

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,854FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,853FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!