Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Guudlaawe: “Musiibo ayaa ka dhacday Beledweyne, 48 Qof ayaa ku dhintay..”

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka hadlay qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne oo dad badan lagu dilay.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Beledweyne ayuu si adag ugy cambaareeyay falalkii argagixiso ee lagu soo weerarray magaalada, wuxuuna shaaciyay inay ku geeriyoodeen 48 qof oo ay ku jirto Allaha u naxariistee Xildhibaan Amina Maxamed cabdi.

“Waxaa xalay Beledweyne nagu qabsatay Musiibo.. laba qarax ayaa ka dhacay midka hore wuxuu ahaa naftiis halige isku duubay ama dhex galay mas’uuliyiin ay ka mid tahay xildhibaan Aamina C/llaahi.. waxaa ku dhintay dad indhihii magaalada ah… inta la xaqiijiyey 48 qof ayaa ku dhimatay, dhaawacana wuxuu gaaray 108 qof..” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wuxuu dadweynaha iyo ciidamada faray inay feegijnaadaan, iyagun aysan niyad jebi doonin, ayna sii wadi doonaan doorashada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON