Friday, June 27, 2025

Madaxweyne oo safar kale ugu duulay Dalka Masar [Warbixin Shir Goboleedka lagu casuumay]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta ka duulay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa magaalada xeebta Badda Cas ku taalla ee Sharma Sheekh uga qeyb geli doona shirka Ganacsiga Afrika oo lagu casuumay madaxweynayaal uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo looga hadli doono arrimaha ganacsiga afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shirka ay ka qeyb galayaan uu socon doonaa 7 ilaa iyo 9 Bishaan December, iyadoo lagu gorfeyn doono horumarka ganacsiga Qaaradda Afrika.

Marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirka lagu casuumay shan ka mida madaxweynayaahsa Afrika oo kala ah: madaxweynaha Cote d’Ivoire Mr. Alassane Ouattara, hoggaamiyaha Rwanda Mr. Paul Kagame, Madaxweynaha Guinea Mudane Alpha Conde, iyo kan Comoros Azali Assoumani. waxaa kaloo shirka ku sugan  madaxweyne ku xigeenka Nigeria Yemi Osinbajo, Ra’iisal wasaaraha Mozambique Carlos Agostinho do Rosário iyo Ra’iisa lwasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen Hassen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON