Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu canshuur ku soo rogayo baabuurta dalalka Midowga Yurub ee loo dhoofiyo Mareykanka.
Baabuurta lagu sameeyay ama lagu soo diyaariyay Midowga Yurub ayaa lagu soo rogi doonaa canshuur gaareysa 20%, waxayna arrintan ka danbeysay Bil kadib markii baaritaan lagu sameeyay in baaabuurta uu dalkaasi soo dhoofsado ay halis ku yihiin amniga qaranka Mareykanka.
Trump ayaa sheegay haddii canshuuraha iyo caqabadaha aan degdeg loo qaadin ay 20% canshuurta ah saari doonaan dhammaan baabuurtooda imaanaya dalka Mareykanka, wuxuuna bartiisa twitter-ka ku qoray in Waaxda Ganacsiga Mareykanka baaritaankeeda ku caddeyn doonto in baabuurta ay halis ku yihiin amniga Mareykanka.
Arrintan ayaa ka dhigan dagaal weyn oo ganacsi oo dhex mari doona labada dhinac ee Mareykanka iyo Midowga Yurub oo aad u ilaaliya ganacsiga baabuurta oo Mareykan uu madaxweyne Trump canshuur ugu hanjabay.