Wednesday, July 9, 2025

Madaxweyne Trump oo ku soo jeestay Madaxda Boqortooyada Sacuudiga, kuna inay khiyaameen

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Madaxda Boqortooyada Sacuudiga ay khiyaameeyeen kalsoonidii uu ku qabay, una sheegeen xog been ah oo ku saabsan dilka saxafiga Jamal Kqshoqgi.

Trump oo ka hadlayey kadib hadalkii uu shaaciyey Madaxweynaha Turkiga ayaa saxaafadda u sheegay in dilka Jamal Kashoqgi uu yahay qarinti abid ugu xumeyd oo lagu daboolo fal khaarijin ah, wuxuuna intaas ku daray in ciddii ka danbeysay ay wajihi doonto tallaabo laga qaado, isaguna uu arrintan u deynayo Koongareeska Mareykanka.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa shaaciyay in xayiraad lagu soo rogi doono dadkii ka danbeeyay dilka saxafiga  Jamal, kuwaasoo ay ka mid yihiin in loo diido Visaha Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa madaxda Sacuudiga ku eedeeyay inay sumcad xumo usoo jiideen markii warar aan xaqiiqo ah u sheegeen, taasoo keentay inuu dunida ugu muuqdo nin xaqiiqada ka fog.

Wareysi uu siiyey Wargeyska Wall Street Journal ayuu ku sheegay Donald Trump in talada Sacuudiga uu gacanta ku hayo Amiirka dhaxalsugaha ah, haddii uu jiro mas’uul xiriir la leh dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi uu isaga yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON