Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Trump: “Sacuudiga waxaa laga rabaa inuu is-difaaco, haddii kale waa inuu Lacag badan bixiyaa…”

Madaxweynaah Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan weerarradii lagu qaaday xarumahad shidaalka Sacuudiga, kuwaasoo tilmaamaya inay Iiraan ku lug lahayd, laakiin wuxuu intaasi raaciyey inuusan dooneyn dagaal uu la galo Iiraan, inkastoo Mareykanku leeyahay ciidamada ugu awoodda badan caalamka.

Trump oo aqalka Cad ka hadlayey kadib markii uu ku qaabilay dhaxal-sugaha dalka Baxreyn ayaa caddeeyay in Sacuudiga laga rabo inay bixiso lacag badan si Mareykanku u ilaaliyo amniga dalkaasi; wuxuuna yiri: “Waxaan aaminsanahay in mas’uuliyadda weyn ay dusha u saaran tahay inuu Sacuudigu inuu isagu is-difaaco, haddii ay doonayaan inaan ilaalino waxaa laga rabaa inay bixiyaan lacag aad u badan… Sacuudiga wuu ogyahay haddii aan wax tallaabo ah qaadeyno waa inay kharash bixiyaan..”.

Trump oo marar badan Sacuudiga ka dalbaday inay lacag ku bedeshaan haddii ay doonayaan inuu Mareykanku difaaco ayaa hadalkiisa wuxuu hadda kusoo beegmay xilli xasaasi ah weerarro loo adeegsaday diyaaradaha Drone-ka lagu qaaday xarumaha waaweyn ee shidaalka Sacuudiga, iyadoo Mareykanku ku eedeeyay dalka Iiraan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON