Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya inuu manata halkaasi shir wadahadal ah uga bilaabanayo maamulka Galmudug iyo Ahluna.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay IGAD waxaa labada dhinac uga qeyb galaya wufuud ay kala hoggaaminayaan labada madaxweyne ee Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan.
Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay inuu diiday qorshe IGAD ku dooneysay inuu shirka goobjoog uga ahaado wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye, isagoo ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay maamulka Galmudug, qeybna ka ahaa xiisadii madaxda Galmudug.
Wasiiru dowlaha ayaa hore u soo saaray war-saxaafadeed lagu ayiday xil ka qaadistii Madaxweyne Xaaf ku sameeyeen qaar ka mida xildhibaannada Galmudug, waxaana la sheegay in Xaaf uu dalbaday haddiiba dowladda Soomaaliya qeyb ka qeyb galeyso shirka inuu yimaado Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa.