Sunday, June 22, 2025

Madaxweyne Xasan Seekh oo soo dhoweeyay inay Itoobiya gaarto Badda Somaliya (Sidee..?)

Madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Itoobiya iyo Soomaaliya aysan isku heysan inay gaarto Badda iyo Xeebaa Soomaaliya.

“Anaga iyo Itoobiya iskuma heysano inay Badda soo gaarto. Mana jirto dagaal ay Soomaaliya Bad u diidan tahay. Waxaan isku heysanaa waxay tahay sidee Itoobiya Badda kusoo gaaree.. Itoobiya haddii ay dooneyso inay Xeebaha Soomaaliya soo gaarto wa soo dhoweyneynaa..” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayey Shirweynaha xoojinta Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee Muqdisho.

“Waxaan ranaa inay -Itoobiya xeebaha Somaliya- u soo gaarto sida Uganda ay xeebta Kenya usoo gaarto, sida Brundi iyo Rwanda ay u gaaraano xeebta Tanzania, sida South Sudan u gaarto xeebta Kenya. Sida Itoobiya ay u gaarto Xeebaha Jabuuti iyo Kenya oo kale inay Soomaaliya u soo gaarto ayaan rabnaa..” ayuu si cad u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku celceliyay inaysan yeeli doonin wax intaas ka duwan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON