Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dingiin culus u diray dadka ku nool degaanada ay ka taliso Alshabaab ee ku dhow xerooyinkooda iyo goobaha fadhiga u ah.
Wuxuu sheegay in la qaadayo howlgallo nooc kasta leh oo Alshabaab lagu bartilmaameedsanayo, ayna ka mid yihiin duqeyn iyo weerarro, sidaas darteedna looga baahan yahay dadka ku dhex nool Alshabaab inay ka fogadaaan meelaha ay degan yihiin ee la beegsanayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadalyey kadib shirkii Golaha Wadatashiga Madasha Qaran ee Muqdisho ayaa yiri: “Dowladdan Waxba kama reebaneyno in Alshabaab dalka laga xoreeyo.. Dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay jooagan waxaan uga digeynaa inay ka fogaadaan meel kastoo uu Alshabaab joogo. Shabaab waa bartilmaameed..”
Digniintiisa ayuu Xasan Sheekh ku sheegay in meel kasta oo Alshabaab joogto la duqeyn doono. “Waa la duqeynaa, waa lala dirirraa, waa laga dul degaa. Shacabka haka fogaadaano meel kasta oo qof Shabaab ah joogo.. Dagaalka Shabaab haku dhiman adigoon Shabaab ahayn,. maxkamadahooda been-beenta ah yaan la tegin” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Dingiinta Madaxweynaha ayaa timid iyadoo dhowaan duqeyn ka dhacday degaanka Mubaarak ee Gobolka Sh/hoose ay dad badan ku dhinteen, sidoo kalena ay Alshabaab maanta sheegatay in ciidamada Danab ay gubeen Ceelkii degaanka Shaw ee Gobolka Hiiraan iyo isbitaal halkaasi ku yaallay.
