Sunday, June 22, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Qaraxyadii Beledweyne, Amarna kasoo saaray

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, isagoo Amar ah inay galaan feejignaansiiyay ciidamada iyo maamulka Hirshabeelle.

Wuxuu tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxyadii ka dhacay magaalada Baladweyne, isagoo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdega ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Hirshabeelle iyo kuwa heer dowlad Goboleedka, inay sare u qaadan feejignaantooda amni, kana hor tagaan falalkooda bahalnimada ah.

Ad

Wuxuu ugu baaqay bulshada Hirshabeelle inay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta Ciidamada Xoogga Dalka, si loo dhammeystiro xoreynta deegaannada ay argagixisadu ka soo maleegayaan dhagarta iyo gumaadka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON