Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ku sii jeedo Putland oo uu qorsheynayno Booqasho maalmo qaadaneyda oo uu ku tago Puntland.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa imaanaya kadib dagaaladii Alshabaab iyo Puntland ku dhex maray degaanada katirsan Nugaal iyo Mudug. Arrintan ayaa salka ku heysa laba qorshe oo Xasan Sheekh ka leeyahay socdaalkiisa.
Qorshaha hore ayaa ah inuu maamulka Puntland kala hadlo dagaalka Alshabaab lagula jiro iyo dhismaha ciidamo qaran oo Puntland hore loogu qoondeeyay inay ciidmadaasi ku biiriso 3000 askari, qorshahaas oo aan weli hore loo dhaqaajin.
Qorshaha labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah inuu maamulka Puntland la soo qaado qaabka doorashada 2016 oo hadda qarka loo saaran yahay, iyadoo Puntland ay diidan nidaamka 4.5, waqtiguna sii yaraanayo, waxaana jirta hadal heyn ku saabsan waqti kordhin loo sameeyo dowladda Federaalka.
Goobjooge.com