Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa loogu yeeray inuu ku hor yimaado madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir, qeybteeda Madaniga oo ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in Mudane Waare loo heysto dacwad madani ah oo aan la faahfaahin.
Muddo 15 maalmood ah ayaa loo qabtay Maxamed Cabdi Waare inuu ku hor yimaado Maxkmadda, haddii uu ku imaan waayana, waxaa loo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
HOOS KA AKHRISO

