Monday, June 23, 2025

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump oo Maxkamad lasoo taagay iyo 34 Eed oo loo jeediyay

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lasoo taagay Maxkamada Manhattan ee magaalada New York, iyadoo ay Dacwadiisa Caawa ka bilaabtay Maxkamaddaasi.

Trump oo uu kusii socda Qolka maxkamadda ee Manhattan ayaa si weyn loo faafiyey muuqaalkiisa isagoo gacan haatinaya, kadibna, waxaa loo dhaadhiciyay Gudaha Maxkamadda oo uu kasoo muuqday, halkaasoo uu ku wajahay Garsooraha Dacwadiisa qaadaya.

Trump ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee taariikhda Maraykanka ee Dembi lagu soo oogo, lana soo taago Maxkamad, waxaana loo jeediyey eedeymihii ugu horeeyay ee loo heysto oo gaaraya 34 qodob oo ay ka mid yihiin lacago laaluush ah oo siiyay haween wax dhex mareen, dembiyo maaliyadeed iyo eedo kale.

Ad

Dacwadda ayaa loo jeediyey Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kadib ayuu Maxkamadda u sheegay inuusan wax denbi ah gelin, isagoo diiday dhammaan eedihii loo jeediyay, waxaana muddo kadib uu ka baxay Maxkamadda, isagoo dib ugu laabtay Guriga uu degan yahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON