Ra’iisal wasaaraha xukuummadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ugu tegay.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweynihii hore ayaa ka wadahadlay xaaladda dalka, waxaan kulanka kadib madaxwaynihii hore uu Ra’iisal wasaare Kheyre ku soo wareejiyey Waaxyaha Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo dib u habeyn ballaaran iyo dhisme ka socdo.
Waa kulankii labaad ee labada mas’uul ay yeesheen iyadoo uu hore Ra’iisal Wasaare Khayre hoygiisa ugu booqday madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud markii uu dalka ku soo laabtay.