Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa kasoo degay Garoonka magaalada Muqdisho.
Waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay wasiiro iyo xildhibaano mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiin kale, waana madaxweyihii ugu danbeeyay ee Maamul Goboleedyada oo Muqdisho yimaada ka hor shirka ay qabanqaabineyso Beesha Caalamka.
Lafta-gareen ayaa ku sugnaa dalka Turkiga, waxaana la sheegay inuu halkaasi ugu daahay cadaadis ay saartay madaxtooyada Soomaaliya oo madaxda maamul Goboleedyada ee taageersan saameyn ku leh.
Berri oo ku beegan 22-ka Maarso ayuu Farmaajo ku baaqay inuu furmo shir ay yeeshaan madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada, shirkaas oo la sheegay inuu ka furmayo xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo aanu wax talo ah ku lahayn.
