Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Turkiga lacag fara badan ku bixiyay taageerada iy dib u dhiska Soomaaliya.
Isagoo ka hadayay golaha Guud ee Qaramada Midoobay fadhigiisa 72aad ayuu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ka hadlay in dalkiisa uu yahay mid ka mida dalalka ugu horeeya dunida ee arrimaha bani’aadamnimada ayna dalkeeda ku heyso 3.2 Milyan oo Suuriyaan ah.
Madaxweyne Ordogan ayaa sheegay in Hay’adda TIKA, Bisha Cas ee Turkiga iyo Hay’adaha maareynta Musiibooyinka dalkaasi ay taageero degdeg ah la gaaraan meel kasta oo ay dunida joogaan dad dhibaateysan.
“Tusaale ahaan iyadoo u marineysa Hay’adaheeda rasmiga ah iyo ururada bulshada Turkiga wuxuu lacag gaareysa Hal Bilyan doolar (1000 Milyan) ku bixiyay dib u dhiska Soomaaliya…” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga oo khubad ka hor jeediyay Golaha Guud ee Q/midoobay.
Wuxuu intaas ku daray in shaqada ay ka qabteen Soomaaliya iyo natiijada laga gaaray ay nqootay tusaale lagu qiyaaso dadaallada la midka ah.
Goobjooge