Wednesday, June 25, 2025

Madxweyne Farmaajo oo Amray weerar lagu dilay hoggaamiye ka tirsan Alshabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ogolaaday weerar ay qaadeen ciidamo ajnabi ah oo lala beegsaday hogaamiya ka tirsan kooxda Alsahbaab.

Weerarkan oo maanta ka dhacay agagaarka degaanka Tooratoorow, Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in lagu beegsaday, laguna dilay hogaamiye sare oo ka tirsan Alshabaab, kaasoo aan magaciisa la sheegin.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in madaxweynaha uu u ogolaaday weerarka wax ugu yeeray saaxiibada Caalamiga ah oo sida muuqata loola jeedo Mareykanka.

Hoggaamiyaha Alshabaab ee weerarka maanta lagu dilay ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay weerarrada qaraxyada iyo khaarijnta ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo aan magaciisa la shaacin.

Howlgalladda ciidamada Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya ayaa waxaa wada sheegta dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka iyadoo faahfaahinta weerarka ay inta badan ka timaado taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON