Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee Amniga Caasimadda Muqdisho, kadib in ka badan 24 saacadood markii uu dhacay qaraxii xarunta maamulka G/banaadir.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu su’aalo ka waydiiyay taliyeyaash a iidamda qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, wuxuuna ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii.
Waxaa kulanka ku sugnaa Taliyaha Booliska, Taliye ku xigeenka Xoogga Dalka, Taliyaha Booliska G/banaadir iyo saraakiil kale, waxaana kulanka qeyb ka ahaa Guddiga Gurmadka ee xukuumadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Raiisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.
Talisyada uu la kulmay madaxweyne Farmaajo waxaan ku jirin Hay’adda Sirdoonka oo uu ku-sime ahaan madax uga yahay Fahad Yaasiin Xaaji muddo 1 sano ah, iyadoo kaalintii hay’adaasi ay noqotay mid gaabis ah, iyadoo madaxweyne Farmaajo ay caado u noqotay inuu kulan isugu yeero taliyeyaasha amniga markii qarax weyn ka dhaco magaalada, kadibna aysan wax tallaabo ah xigin.




