Monday, July 7, 2025

Magacyada Musharaxiinta rasmiga ah ee ku tartamaya xilalka Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka Galmudug. (Akhriso)

Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta dhageysanaya khudbadaha 9 musharax ee u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, kuwaasoo si rasmi ah ay u diiwaan geliyeen Guddiga Doorashada Galmudug.

Afar musharax ayaa isu diiwaan geliyey tartanka Doorashada madaxweynaha Galmudug, halka ay 5-musharax ku tartami doonaan Jagada madaxweyne ku xigeenka, waxayna Guddiga Doorashada xalay shaaciyeen inay xirantay qabasha araajida musharixiinta, ayna Doorashada dhici doonto Waqtigii loogu talagalay ee Khamiista Berri.

Musharixiinta u tartamaya xilalka Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee sida rasmiga ah loo diiwaan geliyey ayaa kala ah:

MUSHARIXIINTA MADAXWEYAHA GALMUDUG

1- Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor)

2- Axmed Shire Maxamed

3- C/llaahi Axmed Samater

4- C/raxmaan Aadan Sabriye

MUSHARIXIINTA MADAXWEYNE KU XIGEENNADA

1- Axmed Yuusuf Warsame (Taajir)

2- Cali Daahir Ciid

3- Saadaq C/llaahi Xaashi

4- C/qani Sheekh Cali Diini

5- Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey)

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON