Magaalada Gaalkacyo waxaa Berri ka dhaceysa doorashada laba kursi oo si adag loogu tartamayo, iyadoo beelaha kuraastaan leh ay diideen in cid gaara loo xiro, sida ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Kursiga HOP095 ee beesha Sacad / Odow waa midka ugu adag ee lagu loolamayo, doorashadiisu ka dhaceyso Gaalkacyo, waxaa hore ugu fadhiyey C/kariin Dhalac oo mar kale doonaya inuu kusoo laabto, balse xaalad adag wajahaya .
Waxaaa maanta shahaadada Musharxinimada ee kursiga HOp095 qaatay 4 Musharax oo ku tartami doona ciddii ku guuleysan lahayd, waxayna kala yihiin:
1. Cabdikariin Khaliif Dhalac: Kursiga ayuu hore ugu fadhiyey, wuxuuna taageero ka heystaa Madaxweynaha Galmudug iyo kooxda Farmaajo oo leh odayasha ugu badan odyaasha soo xulay ergada dooraneysa kursiga.
2. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne): Waa musharax dhalinyaro ah oo saameyn ku dhex leh jufada kursiga leh, wuxuuna ka mid yahay maamulka dekadda Muqdisho.
3. Maxamed Siciid Faarax: Waa Musharax culus oo lagu yaqaan arrimaha bulshada iyo waxbarashada, waxaana uu ka mid yahay kuwa ugu cadcad kursiga, iyadoo jufadiisa ay qancisay Musharax Seynab Xaabsey- guddoomiyaha degmada Warta-nabadda.
4. Maxamuud Kudun-Xiimaa: Waa Musharax dhalinyaroo qurbejoog ah oo ka musharixiinta saameynta leh.
Kursigan oo ka yimid in loo xiro xildhibaankii ku fadhiyey, waxaa ka dhashay xiisad keentay in gaadiid dagaal lagu arko magaalada Gaalkacyo, taasoo Qoorqoor ku qasabtay inuu furo, kana dhigo mid lagu tartamo inkastoo odayaasha soo xulay ergada ay dhinac u janjeeraan.
Kursigan ayaa si weyn loa saadaalinayaa inuu la mid noqdo kursigii looga adkaaday Ubax Tahliil, haddii iska iskaashadaan musharixiinta mucaaradka ee doonaya inay meesha ka saaraan C/kariin Dhalac oo si weyn loogu dhaliilay inuu taageero Farmaajo.