XIldhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ku eedeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu been abuur iyo aflagaado ka fidiyey Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
“Farmaajo ciyaalkiisii CBB-da ayuu shalay u soo dhiibay hadalo aflagaado iyo ku been abuurasho isugu jira oo Ra’iisul Wasaare Rooble loogu gafayo. Caawana inta iscelin waayay ayuu isagii qaylodhaan soo bilaabay” ayuu qoray Mahad Salaad oo ka jawaabay wareegto caawa kasoo baxday Farmaajo (Ka Akhriso halkan).
Wuxuu sheegay inuu farmaajo ku jiro qaylodhaan iyo propagandada uu faafinayo oo boor isku qariska, taasina aysan waxba u dhibi karin safarka berri uu sheegay ku imaanayso magaalada Muqdisho Wasiirada Arimaha Dibeda Kenya.
“Safarka wuxuu qeyb ka yahay dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble wado ee lagu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal (Somaliya iyo Kenya). Isaguna caawa siyaasada dalka uu marti uga yahay Ra’iisul Wasaare Rooble!” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay xildhibaan Mahad Salad
