Monday, July 14, 2025

Mahad Salaad oo markii saddexaad kusoo baxay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Madaxweynaha Galmudug ayaa u xiray Kusiga, waana xildhibaankii ugu horeeyay ee ka tirsan Xisbiga Xasan Sheekh oo ka badbaada Qoorqoor

Mahad Maxamed Salaad ayaa markii saddexaad saaka ku guuleystay doorashada kursiga HOP147 ee Golaha Shacab Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul Galmudug.

Waxaa u tanaasushay Shamso Cabdullaahi Maxamed oo Mahad Salaad kula tartameysay doorashada kursigan, iyado qaab gacantaag ah ay ergada doorashada kursigan oo gaareysay 101 ay markii dambe ugu codeeyeen xildhibaan Mahad Salaad.

Hadal kooban oo uu jeediyay doorashada kadib ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay natiijada doorashada, isagoo u mahadceliyay erada iyo guddiga doorashada. ”

Kursigan ayaa ka mid ahaa kuraasta sida weyn isha looga hayay, iyadoo laba kamid ah musharraxiinta kula loollameysay kursigan ay sheegeen in loo diiday inay ka qeyb galaan tartanka.

Wasiirkii Qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Geelle iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Cali Yare ayaa madaxweynaha Galmudug ku eedeeyay in uu kursigan u xiray xidlhibaan Mahad Salaad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON