Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa diiday inuu la safto madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo doonayey inuu xilka Ra’iisal wasaaraha sii hayo.
Mahdi Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “Waxa aan ahay “Tabliiqi Nabadeed”. Waxaa aan labada oday ugu baaqayaa in ay dalka caymadiyaan”.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa dhexdhexaad ka noqday khilaafka Farmaajo iyo Rooble, isagoo shaaciyey inuu dhexdhexaadinayo labada oday.
Farmaajo ayaa xalay ku dhawaaqay inuu shaqadii ka joojiyay Ra’iisal wasaare Rooble, isagoo saaka isku dayey inuu awood ciidan u adeegsado si uu uga hor istaago xafiiskiisa Madaxtooyada.
