Ra’iisal Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa difaacy Guddiyada Doorashada Heer Federaal ee dowladdu magacawday, isagoo beeniyay inay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada Amniga.
Wuxuu Warbnaahinta dowladda u sheegay inaysan jirin cid ka tirsan ciidamada Amniga oo ku jirta guddiyada Doorashada iyo Khilaafaadka Heer Federaal, wuxuuna intaas ku daray in Guddiyada ay magacabeen ay kaliya ku jiran laba qof oo ka tirsanaa xafiisyada Madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaaraha.
“2016 Guddigii Doorashooyinka maamulaysey waxaa ka mid ahaa Cumar Dhagey oo ahaa la-taliyihii gaarka ahaa ee Sharciga Madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna noqday guddoomiyaha Guddiga.. Maxamed Keynaan oo la-taliye sare ka ahaa xafiiska Madaxweynaha, Nafiso Geedi, ka shaqeyneysay xafiiska Madaxweynaha…, C/raxmaan Sheekh Mucaawiye oo ahaa ku xigeenkii xoghayaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha.. Waxaa ka mid ahaa Mustaqiim oo ahaa la-taliyaha siyaasada wasaaradda arrimaha gudaha. Guddiga iminka waxaan ka garanayaa C/nuur iyo iyo Inan ka tirsan la-taliyeyaasha xafiiska Ra’iisal wasaaraha..” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo is-barbardhig ku sameeyay Guddiyada Doorashada ee Doorashadii 2016 iyo 2020-ka.
Wuxuu ku dooday in dowladdan ay siyaasadeeda ka mid tahay in fursad la siiyo dhalinyarada, sidaasna loo magacaabay xubno u badan dhalinyaro inay ka mid noqdaan Guddiyada Doorashada, wuxuuna meesha ka saaray iyadoo aan arkin shaqadooda in laa cabto.