Labadii kursi ee ugu horeeyay Golaha Shacabka ayaa qabanqaabo loogu jiraa in lagu qabto magaalada Muqdisho, iyadoo Guddiga Doorashada SIET ee Somaliland uu shaaciyey inay maanta bilaabatay diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya labadan kursi.
Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashada Somaliland ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Golaha Shacabka ee tirsagoodu kala yahay HOP239 iyo HOP237.
Kursiga HOP239 waxaa hadda ku fadhiya xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ahaa garabkii Cabdi Xaashi, waxaana uu wajahayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo awood badan ku leh ergada iyo odayaasha kasoo jeeda Somaliland.
Mahdi Guuleed Khadar aya lagu wadaa inuu kusoo baxo doorashada kursi ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, taasoo furi doonta doorashada dib u dhac weyn ku yimid ee Soomaaliya.
