Friday, June 27, 2025

Maleeshiyo beeleed Puntland ah oo qabsatay Gaadiid ciidan oo Galmudug uga soo degay Boosaaso [Sawirro]

Warar laga helayo Magaalada Garowe ayaa sheegaya in maleeshiyo reer Puntland ah ay la wareegeen Gaadiid dagaal oo Galmudug uga soo degay Dekadda Magaalada Boosaaso.

Arrintan ayaa timid kadib markii nin ka tirsan ciidamada Puntland iyo koox uu wato oo qaab beeleed u howlgalaya ay jidka u galeen gaadiidka oo ku sii jeeday Koonfurta Gaakacyo, isla markaana ay kula wareegeen duleedka magaalada Garowe.

Gaadiidka Galmudug leedahay ayaa isugu jira saddex Cabdi Bile iyo Gaari  Nooca aanay rasaastu karin ee madaxdu adeegsato.

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland uu amar ku bixiyay  in gaadiidkaasi la fasaxo, laakiin ay arrintaasi ku gacan seyreen ciidamada maleeshiyada ah ee qabsaday baabuurtaasi, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa la sheegay inuu arirnta ku dhex jiro.

Waxaa socda waanwaan lagu doonayo in gaadiidkaasi lagu sii daayo, iyadoo maamulka Puntland uu hore ula socday arrintan, ayna balan qaadeen in la gaarsiin doono Galmudug.

Ninka gaadiidkan la wareegay oo magaciisa lagu sheegay Takar ayaa ku doodaya in gaadiid dagaal ay ka gubeen Galmudug, sidaasina uu ku qaatay magdhow ahaan.

Gaadiid_GalmudugGaadiid_Galmudug1Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON