Thursday, July 17, 2025

Maleeshiyo kala taabacsan Maamullada Puntland & Galmudug oo mar kale ku dagaalamay Gaalkacyo

Wararka laga heleyo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in iska hor imaad uu magaaladaasi ku dhex maray maleeshiyo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkamn ayaa maanta suuqa weyn ee magaalada ku dhexmaray laba maleeshiyo oo xiisad dhul ay ka dhaxeysay, waxaana rasaas daqiiqado socotay oo is weydaarsadeen qasaare kasoo gaaray qof ku dhintay iyo dhaawaca laba kale.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa isku dhafka ah ee magaalada Gaalkacyo loo sameeyay ayaa gaaray goobta iska hor imaadku ka dhacay si xaaladda loo qaboojiyo, waxayna kala dhex galeen labada dhinac.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay magaalada booqdeen madax ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamullada Puntland iyo Galmudug oo uu ugu danbeeyay madaxweynaha Puntland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON