Thursday, July 10, 2025

Mareykanka oo Amar toos ah u diray madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa si toos ah uga dalbatay madaxda maamul Goboleedyada dalka, iyadoo magacyadooda ugu yeertay.

Kadib War-saxaafadeedkii kasoo baxay xalay Beesha Caalamka, waxaa farriin culus kusoo laray safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, waxayna farriintaasi ku magacawday shanta madaxweyne ee maamul Goboleedyada, iyadoo ku amreysa inay degdeg u soo gabagabeeyaan Doorashada Golaha shacabka inta aanu dhammaan sanadkan 2021.

“Waxaan ku boorineynaa Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Madoobe, Mr. Qoorqoor, C/llaahi Gudlaawe Xuseen, iyo C/casiis Laftagareen inay soo dhameystiraan doorashada Golaha Shacabka oo loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo ka hor dhammaadka 2021. Waa in la dardargeliyo hannaanka doorashada” ayaa lagu yiri farriinta Mareykanka.

Qoraalkii Beesha caalamka ayaa sidoo kale farriin tan la mida loogu diray Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Rooble, iyadoo laga dalbaday inay dedejiyaan doorashada ka hor sanadkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON