Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa dalabkii labaad mudo 9 maalmood gudahood ah u dirtay madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya, kaasoo ku saabsan Doorashada Golaha Shacabka.
Qoraal kasoo baxay Safaraadda Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyaya dhameystirka doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka ee shalay soo idlaatay..” waxaana fariin cusub loogu diray shanta madaxweyne ee Maamul Goboleedyada.
“Waxaa la joogaa waqtigii Saciid Cabdullaahi Deni, Axmed Madoobe, Axmed Qoorqoor, Gudlaawe Hussein iyo Laftagareen ay ixtiraami lahaayeen baaqii RW Maxamed Xuseen Rooble ee ahaa in la soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka ka hor dhamaadka 2021” ayaa lagu yiri Qoraalka Mareykanka.
Dhaqaalaha Doorashada ayaey caddeysay safaaradda Mareykanka ee Mudisho inuu diyaar yahay si loo dhamaystiro qeyb muhiim ah oo ka mid ah doorashooyinka Golaha Shacabka, taasoo ay ugu wacan tahay khidmadaha diiwaangelinta musharraxiinta hore looga soo ururiyay iyo qaaraanka ay ay bixiyeen saaxiibada Soomaaliya oo Mareykanka ku jiro.
