Wednesday, July 16, 2025

Mareykanka oo Digniintii ugu adkeyd toos ugu diray Maxamed Farmaajo (Akhriso)

Dowladda Mareykanka ayaa digniintii ugu cusleyd u dirtay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu yiri: “Maraykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah Tubta nabadda ee Soomaaliya”.

Mareykanka wuxuu tallaabo halis ah oo dhiilo leh ku tilmaamay isku dayga shaqo ka joojinta Ra’iisal wasaare Mohamed Hussein Roble, taasoo ah farriin cad oo ku socota Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Waxaanan taageersanahay dadaalka (RW) ee ku aaddan doorasho degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyadu waa in ay ka waantoobaan ficillada iyo odhaahyada kicinta ah” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Dowladda Mareykanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON