Sunday, July 6, 2025

Ilhaan Cumar oo farriin culus u dirtay Farmaajo. “Waxaa la joogaa waqtigii aad bixi lahayd..”

Ilhaan Cumar oo ka tirsan mudayaasha Koongareeska Mareykanka, kana soo jeeda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu xilka ka tago.

“Farmaajo sanad ayuu dhaafay muddo xileedkiisii. Waxaa la joogaa wakhtigii uu meesha ka bixi lahaa, oo ay doorashada wakhti dheer daahday ay u qabsoomi lahayd ida ugu dhaqsaha badan” ayay tiri Ilhaan Cumar oo farriin soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Farriinta Ilhaan ayaa ka danbeysay qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, qeybta Afrika oo si cad loogu sheegay Farmaajo in dowladda Mareykanka ay tallaabo ka qaadi doonto cidda hortaagan nabadda iyo doorashada.

Farmaajo ayaa Weeberigii 27 Disembar 2021 isku dayay inuu shaqada ka fariisiyo Ra’iisal wasaare Rooble, isagoo ciidamo dul dhigay xafiiskiisa, balse tallaabadaasi ay fashilantay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON