Monday, June 23, 2025

Mareykanka oo farriin culus u diray Farmaajo iyo Madaxda maamul Goboleedyada. “Waa inaad hadda xalisaan…”

Dowladda Mareykanka ayaa si toos ah uga dalbatay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxda shanta maamul Goboleed ee dalka inay xaliyaan caqabadaha hortaagan Doorasho Nabad ku dhacda.

Farriin goor dhoweyd kasoo baxday Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho oo daba socotay War-saxaafadeedkii wadajirka ah ee Beesha caalamka kusoo dhoweysay Guddiyadda Doorashada ee ay magacaabeen Puntland iyo Jubbaland ayaa si toos ah loogula hadlay madaxda dowladda iyo kuwa maamullada dalka ka jira.

“Waxaan ku boorineynaa Maxamed Farmaajo, Siciid Deni, Axmed Madoobe, Axmed Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo C/casiis Lafta-gareen inay hadda xaliyaan arrimaha taagan si loo gaaro Doorasho nabad ku dhacda oo ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan. Ma jiri doonaan Doorashooyin ama hanaan doorasho oo isbarbar socda” ayaa lagu yiri farriinta Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto oo si toos ah magacyadooda loogu qaatay Madaxda Soomaalida.

Warka kasoo baxay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sii xoojinaya dadaalka ay Beesha Caalamka ugu jirto shir lagu xaliyo khilaafka ka taagan Doorashada 2021 oo ay isugu yimaadaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON