Dowladda Mareykanka ayaa farriin toos ah oo ku saabsan Doorashooyinka u dirtay madaxda maamul Goboleedyada dalka.
Fariintan oo toos ugu socotay shanta madaxweyne ee maamul Goboleedyada ayaa waxaa shaacisay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya , waxayna uga dalbatay in si degdega usoo gabagabeeyaan doorasho daah-furan oo la aqbalsan yahay.
“Waxaan ku boorinaynaa Said Abdullahi Deni, Axmed Madobe, Axmed Qoorqoor, Gudlawe Hussein, iyo C/casiis Laftagareen inay ka fogaadaan dib u dhac kale oo ay si degdeg ah u soo gabagabeeyaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo, hufan, oo loo dhan yahay”. ayaa lagu yiri qoraaka Safaaradda Mareykanka.
Farriinta ayaa intaas ku dartay in Doorasho ku dhacda hannaan waqtiyeysan, oo la wada aqbalo ay muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya.
Farriimaha iyo baaqyada Mareykanka iyo beesha caalamka ayaan wax saameyn ah yeelan, iyadoo la ogyahay in farriintii ugu danbeysay ay ahyad dalab ah in doorashada lagu soo dhammeeyo ka hor inta uusan dhammaan sanadkan.
