Sunday, June 22, 2025

Mareykanka oo shaaciyey tirada Alshabaab looga dilay Duqeyntii degaanka Ceel Gorof iyo..

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa shaacisay tirada lagu dilay Duqeyn dhinaca Cirka ah ku dilay 9-kii Bishan November ka dhacday degaanka CeelGorof ee Gobolka Galgaduud.

Qoral kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in 17 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, lagu dilay weerarkaasi, kaddib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya, iyadoo aanay jriin waxyeello dhimasho ama dhaawac ah oo duqeyntan kasoo gaartay dadka rayida ah.

“Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay isaga difaacayaan argagixisada Al-Shabaab oo weerar ku ah ciidamada Soomaaliya.” ayaa lagu yiri Qoraalka AFRICOM.

Ad

“Soomaaliya ayaa weli ah xubin lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababaridda, la talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan Al-Shabaab.” ayuu raaciyay bayaanka Taliska Mareykanka ee Africa.

Duqeyntan dhacday sagaalkii bishan, ayey dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay 50 Alshabaab, waxayna duqeyta ka dhacday deganaka CeelGorof ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo uu dagaal ku dhex maray ciidamada degaanka iyo dowladda oo dhina ah iyo Alshabaab.

Duqeyn kale oo dowladda Federaalka ay sheegtay inay ka dhacday degaanka Basra isla maalintaas, laguna dilay ilaa 47 Alshabaab ah ayeysan weli xaqiijin, kana hadlin taliska Mareykanka ee AFRICOM.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON