Tuesday, June 24, 2025

Mareykanka oo soo saaray digniin sababi karta in Madaxweyne Farmajo uu waayo dhalashada US (Warbixin)

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa hooraantii bishii Maarso ee sanandkan soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalal kale.

Digniinta oo ah mid shuruucda dalkaas lagu cadeynayo ayaa lagu sheegay inay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay sheegtay in aysan waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda.

“Kiisaska la xiriira muwaaddiniinta Maraykanka ee haatan madaxweyne ka ah dalal kale , ama wasiir arrimo dibadeed ah waxa ka dhalanayso su’aalo adag oo la xiriira sharciyada caalamiga ah, wasaaradda arrimaha dibedda ayaa arrimahaasi si gooni gooni u eegi doonta”. Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in digniintan aysan quseyn muwaadiniinta u dhashay Mareykanka ee u shaqa taga dalal kale, balse aanan ku lugta lahayn go’aanada siyaasadeed.

“Haddii muwaadiniin Maraykan ah loo shaqaaleysiiyo jagooyin sare oo siyaasadeed, wasaaradda arramaha dibedda waxay weydiin doontaa muwaadiniintaas inay doonayaan in jinsiyadda Maraykanka ay sii haystaan iyo in kale, marka ay dadka noocaas ah aqbalayaan inay jagooyin muhiim ah ka qabtaan waddamo kale. Qofku haddii uu doonayo in uu sii haysto jinsiyadda Maraykanka waa inuu sidaa u caddeeyaa wasaaradda arrimaha dibedda. Qofka haddii uu doonayo inuu ka noqdo muwaadinimadiisa Maraykanka waa in uu raacaa tallaabooyinka laga doonayo”. Ayaa la raaciyay.

Madaxweyne Famaajo iyo safirka US Donald Yamamoto

Saameynta ka dhalan karto arrinta ayaa la sheegay inay taaban karto madaxda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha haddii uu damco in uu tago Mareykanka, maadaama uu heysto dhalasha Mareykan ah.

“Qofka haddii uu dal kale ka hayo jagada madaxweynaha ama wasiirka arrimaha dibedda, waxay saameyn ku yeelan doontaa xasaanadda uu Maraykanka siiyo dadka haysto labada dhalasho.”Ayay sii raacisay dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano ee uu hayay xilka waxaa uu ka baaqsaday in uu tago Mareykanka, waxaana jira dad ku doodaya in haddii madaxweynaha uu tago Mareykanka ay dhici karto in loo qaabilo si ka duwan madaxweyne qaran, maadaama wali uu haysto basaboorka Mareykanka.

“Saameynta ka dhalan karta way cadahay, tusaale ahana madaxweynaha Soomaaliya waa nin Mareykanka oo dhalashda dalkaas heysta, isaga ma ahan qof la taliye ama shaqo kale haya, wuxuu noqonaya qof isu soo sharaxay xil siyaasadeed, ku guuleystay, kuna dhaartay in madaxweyne dal kale yahay, madaxweynaha xasaanad diblomaasiyadeed ma yeelan karo, haddii uu tago Mareykanka dacwad ayaa lagu soo oogi karaa, muwaadiniinta Mareykanka na maxkamad ayay soo taagi karaan madaxweynaha Soomaaliya oo haddii lagu helana la xiri karo”. Sidaas waxaa yiri Ciid Badal oo ah diblomaasi hore.

Ciid Badal ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya horay looga digay arrintan, taas na ay sababtay in labadii sano ee uu xilka haya uusan ku dhiiranin in uu tago Mareykanka, waxaana uu intaa racaiyay in haddii madaxweyne Farmaajo uu celiyo dhalashada dalkaasi uu Mareykanka ka helayo xasaanad buuxda.

“Mar haddii mas’uulka uu isu soo sharaxay xil siyaasi ah, wuxuu ku karaama badan tahay in uu basbaoorka ajnabiga iska celiyo, waxayan arrintan oo kale ka dhacday dalka Ciraaq, kadib markii nin muwaadin Ingiriis ah loo magacaabay xilka ra’iisuul wasaaraha, isagoona iska celiyay dhalashada Ingiriiska”. Ayuu raaciyay Ciid Badal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON