Tuesday, June 24, 2025

Mareykanka oo taageeray Shirka Golaha Wadatashiga ee RW Rooble ku baaqay

Dowladda Mareykanka ayaa taageertay shirka wadatashiga Qaran ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaasoo uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Waxaan sii wadeynaa taageerada baaqii ku saabsanaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo toos ah loogu qabto Muqdisho”. ayaa lagu yiri Qoraalka safaaradda Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Wada-hadallada toddobaadkan ee madasha Wadatashiga ay muhiim u tahay dardargelinta hannaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.

Sidoo kale Dowladda Ingiriiska ayaa taageertay shirka Wadatashiga, kuna baaqday in lagu turxaan bixiyo khaladaadka iyo is-afgaranwaaga ka jira Doorashada, sida ay farriin ku qortay Safiirka UK ee Somaliya Kate Foster.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON