Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah xayiraaad dhinaca socdaalka ah ugu soo rogtay Madaxda iyo Siyaasiyiin Soomaali ah oo laga mamnuucday inay u safraan Mareykanka, iyadoo ku eedeysay inay “waxyeelleynayaan hannaanka dimuqraadiyadda” Soomaaliya.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii Soomaaliya ay dib ugu dhigtay doorashadii baarlamaanka 15-ka March, taas oo ay ahey in la soo gabagabeeyo Jimcihii shalay.
“Hadda waxaan kusoo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhanka ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah” ayuu Blinken ku yiri bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Doorashada baarlamaanka oo soo bilaabatay bishii November ayaa ah mid dadban oo ay ku lug leeyihiin odayaasha beelaha soo xulaya 275-ta xubnood ee GolaHa Shacabka, iyagoo dooran doona madaxweyne cusub waqti aan weli la cayimin.
Xayiraadda Mareykanka ee lagu soo rogay Madaxda iyo Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa muddo soo socotay, waxayna timid kadib markii la fulin waayey waqtigii loo qabtay in lagu dhammeeyo Doorashada dadban oo ku beegneyd shalay 25-ka Febraayo 2020.
