Madaxa Hay’adda Sahan Matthew Bryden ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu go’doon siyaasadeed ku jiro.
isagoo wareysi isiyay TV-ga France 24 ayuu ku sheegay in xilliga u haray Farmaajo uu kooban yahay, ayna u badan tahay inuu maalmo kooban uga bixi doono Madaxtooyada, kana tegi doono xilka.
Matthew Bryden wuxuu sheegay in talisyada ciidamada ee Milateriga iyo Booliska ay taageersan yihiin Ra’iisal wasaraha, isla markaana ay hadda xaalad milateri ka taagan tahay gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.
“Wakiilada Beesha caalamka ayaa saacidihii ugu danbeeyay telefoon kula hadlayay Farmaajo iyo Rooble si xaaladda loo dejiyo… Farmaajo go’doon ayuu ku jiraa, in kooban ayaa ku soo hartay, waxana u muuqataa inuu maalmo gudahood uga tegi doono Villa Somalia, hadi iaanay wax la yaab leh dhicin” ayuu yiri madaxda hay’dda Sahan oo dowladda Soomaaliya xukun xabsi ah ku riday.
HOOS KA DAAWO WAREYSIGA
