Waxaa saldhigga Booliska Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan looga hadlayey Amniga Doorashada oo ay isugu yimaadeen Ra’iisal wasaaraha, Taliyaha Booliska iyo Musharixiin madaxweyne.
Kulanka ayaa ahaa mid xal loogu radinayo xaaladda amni iyo jidgooyada ciidamada Booliska oo diiday inay xildhibaannada u ogolaadaan gudaha Xarunta Afisyoone, taasoo la sheegay in xal laga gaaray markii danbe.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu so osaaray uga hadlay kulankaasi, wuxuuna ku yiri: “Waxaan ka qeyb galay kulan looga hadlayay Amniga doorashooyinka oo ay qeyb ka ahaayeen Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynihi hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland ahna Musharrax Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Musharrax Madaxweyne xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Musharrax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Hey’adaha Amniga:.
Sheekh shariif ayaa sheegay in lagu heshiiyay in xildhibaanada Barlamaanka 11aad ee ka qaybgalaya doorashada guddoonka loo ogolaado inay soo gaaraan xarunta Afisiyooni oo la qaado jidgooyooyinka loo dhigtay Xildhibaanada BJFS.
