Wararka laga helayo Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn Caawa laga dareemayo Garoonka iyo xarumaha ku dhex yaalla.
Waxaa lasoo weriyey inay Garoonka yimaadeen dhowr diyaaradood, iyadoo aan faahfaahin laga bixin diyaaradahan iyo cidda la socotay. Dhinaca kale waxaa shir ku dhex maray Afisyoone saraakiisha AMISOM iyo saraakiil ka socotay Madaxtooyada Soomaaliya oo Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday uu soo dirsaday.
Kulanka saraakiisha AMISOM iyo Madaxtooyada ayaa looga dooday sida loo sugayo Amniga xarunta Afisyoone ee shirka ka dhici doono oo Madaxtooyada ay ku doodeysay inay amnigiisa wax ka sugaan ciidamada Amniga dowladda, laakiin waxaa arrintaasi ka biyo diiday AMISOM oo ka shidaal qaadaneysa UN-ka iyo Beesha Caalamka.
Shirka ayaa la sheegay inuu goor dhoweyd soo gabagaboobay, iyadoo sarakiishii Madaxtooyada iyo Farmaajo ay ogolaadeen in AMISOM ay sugto guud ahaan Amniga Goobta shirka, isla markaana madaxda ka qeyb galeysa shirka aysan hub iyo gaadiid dagaal midna la geli karin xarunta, waxaana kaliya loo ogolaaday ilaalada gaarka ah (Bodyguards).
Xogta laga helay shirka ayaa sheegeysa in dhammaan ciidamada la socda madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ay hubkood kusoo reebayaan labada Bar ee Medina iyo Marina Gate ee laga halo Garoonka, halka labada madaxweyne maamul Goboleed ee Xalane degan ay kaliya la socon doonaan ilaaladooda gaarka ah.
Weli ma cadda inuu qabsoomayo shirka Berri ee beesha caalamka soo qabanqaabisay, waxaana socda dadaal xoog leh oo ay wadaan wakiilada Beesha Caalamka si loo suurageliyo qabsoomidda shirka, waxaana caawa socda xiriiro iyo shirar xoog leh oo arrintan ku saabsan.
