Monday, July 14, 2025

Maxaa Caawa ka socda Villa Somalia..? [Ra’iisal wasaare Kheyre oo u dabaaldegaya ansixinta xukuumadiisa]

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan casho sharaf ah caawa ku casuumay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ah mahadcelin lagu maamuusayo codka kalsoonida oo ay maanta siiyeen xildhibaanada xukuumadii uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo heshay codad aqlabiyad ah oo dham 224.

Casho sharafta oo caawa ka dhaceys xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya xubnaha golaha wasiirada, xildhibaanada labada aqal iyo marti sharaf kale oo ka qeyb galaya xafladda.

Xafladda ayaa sidii looga bartay Villa Somalia lagu soo bandhigi doonaa heeso iyo miyuusik looga nasanayo ku dhowaad laba toddobaad oo olole siyaasadeed oo hurdada u diiday xubno badan uu socday.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hore casho sharaf tan la mida ugu sameeyay xildhibaanada markii ay xilka madaxweynaha u doorteen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON