Qorshe maamulka Puntland ku doonayey inuu ku xakameeyo socdaalka Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre shalay ku tegay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa fashilmay, kadib markii uu ka hor yimid Ra’iisal wasaaraha.
Qorshaha oo uu soo diyaariyey Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ahaa in Ra’iisal wasaaraha loo diyaariyo kulan uu la yeelanayo wasiiro ka tirsan Puntland oo Gaalkacyo u tegay arrintaasi, odayaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo oo lagu diyaariyey xarunta madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo, waxaana qorshuhu ahaa in kulanka kadib uu dego hotel, kadibna uu ka duulo garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo maanta.
Madaxweyne Deni oo dhowr goor telefoonka kula hadlay Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa u sheegay go’aankiisa ah inuusan jiri doonin isu soo bax ka dhaca Waqooyiga Gaalkacyo oo uu ka hadlayo, waxaana wasiirada tegay Gaalkacyo ay halkaasi u tageen inay fuliyaan go’aanka madaxweynaha Puntland.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa qorshihiisu ahaa inuu ka hadlo isu soo bax ka dhacayey garoonka Cawaale, kaasoo ay diyaariyeen dhalinyaro kasoo jeeda Waqooyiga Gaalkacyo, kuwaasoo xiriir toos ah la lahaa Kheyre, isla markaana abaabulkoodu socday maalmo dhowr ah.
Waxaa ciidamada ilaalada Ra’iisal wasaaraha la geeyay xarunta madaxtooyada Waqooyiga Gaalkacyo, waxaana dib u dhac lagu sheegay inuu ulakac ahaa lagu sameeyay waqtigii ay ahayd in Ra’iisal wasaaraha u gudbo waqooyiga Gaalkacyo, kadibna wuxuu Ra’iisal wasaare Kheyre gaaray halkaasi galab gaabkii.
Kulan dhex maray wasiirada Puntland ee uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland iyo Ra’iisal wasaare Kheyre kadib, waxaa dhacday arrin yaab leh, markii uu Kheyre amar ku bixiyey inuu tegayo Garoonka Maxamed Cawaale Liibaan oo boqolaal dhalinyaro ay ku sugeysay, laakiin waxaa ka biyo diiday wasiiradii Puntland oo ku adkeystay inuu la kulmo odayaasha iyo Isimada loo diyaariyey ee ku sugan xarunta, balse Kheyre iyo ilaaladiisa ayaa isaga dhaqaaqay goobtaasi, waxayna toos u tageen Garoonka Cawaale, halkaasoo uu khudbad ka jeediyey.
Madaxweyne Deni oo xaalada lagu wargeliyey ayaa amar ku bixiyey in la xiro xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo ee soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha loogu talogalay, taasoo keentay in markii uu ku laabtay Kheyre lagu wargeliyo in la xiray xarunta, iyadoo markaas kadib uu qaatay goaan uu dib ugu laabtay Koonfurta Gaalkacyo.
Puntland ayaa si kulul u cambaareysay tallaabada uu qaatay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo ku tilmaantay mas’uuliyad darro, iyadoo aanay wax jawaab ah kasoo bixin Ra’iisal wasaaraha ma xukuumadda Somalia.