Amiirka dalka Qatar Tamim Bin hamad Altahani ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyaiyo wafdiga la socda oo booqasho rasmi ah ku joogo dalkaasi.
Sida ay shaacisay Wakalaadda Wararka dalka Qatar (QANA) intii kulanka uu socday, waxay labada dhinac ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo dhinacyada dib -u -eegis lagu sameeyay horumarkooda iyo kor u qaadistooda. Waxa kale oo kulanka goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaasi.
Dhinaca kale Ra’iisul xilgaarsiinta a kulan la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Qatar Shiikh Khalid Bin Khalifa Al-Thani kaa oo looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qadar ay ka fuliso Soomaaliya.
“Kulanka labada dhinac ayaa loog wadahadlay xiriirka iskaashi ee labada dal ee walaalaha ah, iyo sidii loo horumarin lahaa loona xoojin lahaa dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhaqaalaha, ganacsiga, gaadiidka cirka iyo badda, dhaqanka iyo waxbarashada. Waxa kale oo labada dhinac is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha danta guud ah” ayaa lagu yiri warka ayu qortay wakaaladda wararka dalka Qatar.
Wararka laga helay magaalada Doha ayaa sheegaya in Amiirka Qatar uu xal u raadinayo khilaafka ka dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sidoo kalena dowladda Qatar ay dooneyso inay xiriir fiican la sameysato Rooble.



