Monday, June 23, 2025

Maxaa ka socda Garbahaarey..? (Odayaal la lagu xiray magaalada & Siyaasiyiin ku xayiran Muqdisho)

Warar dheeraaad ah ayaa kasoo baxaya qorshe ay taageerayaasha Maxamed Farmaajo ku doonayaan in musharixiin ay wataan kusoo baxaan liiska madaxda loo magacaabayo magaalo Doorasheedka Garbahaarey.

Waxaa magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay Ex. Xildhibaan Cabdullaahi Cabdulle Magan (Bood) oo sheegay in laba safar laga hor istaagay iyadoo tegi lahaa magaalada Garbahaarey, taasoo ay ka danbeyso Hay’adda NISA.

Wuxuu sheegay in sidoo kale loo diiray inuu Gobolka tago C/llaahi Cabdi Jaamac oo ah musharaxa xilka magaalada Garbahaarey ee Jufada Reer Siyaad, sidoo kalena Magalada Garbahaarey lagu xiray odayaashii Beeshaasi oo loo diidan yahay inaya rkaan Ra’iisal wasaare Rooble oo maanta tegay magaalada.

Ad

Ex. Xildhibaan Cabdullaahi Abdulle Magan wuxuu sheegay in laba maalmood safarkoodii Gedo laga joojiyey diyaaradoodii ay raaci lahaayeen, wuxuuna arrintaasi ku eedeeyay Taliyaha NISA Fahad yaasiin iyo ninka u qaabilsan Gedo ee C/llaahi Kulane.

Wuxuu ugu baaqay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu xaaladda Gedo iyo magaalada Garbahaarey si hoose u eego, isla markaana la kulmo odayaasha iyo waxgaradka degaanka ee cadaadiska lagu hayo.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON