Saturday, July 12, 2025

Maxaa ka socda Gobolka Gedo..? Abaabulka Farmaajo ee ka dhanka ah Axmed Madoobe & Doorashada

Waxaa Gobolka Gedo kaso socda abaabulo ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland oo la sheegay inay ka danbeyso madaxooyada Soomaaliya iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxaed C/llaahi Farmaajo.

Maamulka Gobolka Gedo ee hoos taga Dowladda Federaalka ayna sida toska ah u maamulaan madaxda NISA ayaa abaabulay bannaanbax aanay dad badan ka qeyb gelin oo looga horjeedo Wasiirada uu dhisay Axmed Madoobe, waxayna qoraallo u diraan beesga Caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in Gobolka laga dhisayo maamul cusub oo Jubbaland ah, iyadoo la qabanqaabinay shirweyne halkaasi ka dhaca oo ay diyaarineyso madaxtooyada Soomaaliya.

Arrintan ayaa lagu soo beegay iyadoo uu Muqdisho ka socdo shirka Wadatashiga Doorashada ee uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble o rajo laga qabo in looga hadlo arrinta Gobolka Gedo.

Xaaladda Gedo waxaa kusoo kordhay gadood ay wadaan ciidamada dowladda ee lagu daabulay Gobolka Gedo, kuwaas oo qaar ka mida dalbanaya in lagu celiyo Muqdisho oo muddo dheer ka maqnaayeen qoysaskooda, waxaana arrintan darteed Gedo loogu diray saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayo taliye ku xigeenka ciidamada Dhulka Jen. Xuseen Xoosh Cali.

Dhinaca kale ciidamadii C/rashiid Janan ayaa caqabad ka dhalatay, taasoo keentay in gorgortan cusub lala galo, iyagoo dalbaday xuquuq iyo in taliyeyaal looga magacaabo gobolka Gedo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON